Cristiano Ronaldo ayaa noqday xiddigii isbuucaan ugu fiicnaa Champions League sida ay u codeeyeen taageerayaasha kubada cagta dunida ee ka qeyb qaatay codbixintii ay Uefa ku sameysay shabakadeeda Uefa.com.
Ronaldo ayaa helay boqolkiiba 41 codadkii taageerayaasha isagoo dhaliyay gool kulankii ay Real Madrid 2-0 kaga badisay kooxda AS Roma iyadoo goolkiisa uu ahaa midkii muhimka u ahaa guushooda madaama Jesse uu goolka labaad dhaliyay waqtigii dhimashada.
Xidida Real Madrid ayaa abaalmarintaan xiddiga isbuuca ee Champions League ka qaaday xiddiga kooxda Benfica Jonas kaasoo ahaa xiddigii kooxda reer Portugal ku hogaamiyay gushii 1-0 ee ay ka gaareen Zenit, isagoo helay 38 boqolkiiba codadka taageerayaasha.
Waa markii afaraad xilli ciyaareedkan oo uu Cristiano Ronaldo ku guuleysto abaalmarinta xiddiga isbuuca ee Champions League isagoo ku guuleystay kulamadii 1aad, 2aad iyo 6aad ee wareega group-yada Champions League.