Ronaldo Oo Kaga Sheekeeyay Mustaqbalkiisa Saxiibka Ugu Dhaw Real Madrid

Daafaca Real Madrid Marcelo ayaa ka jawaabay wararka sheegaya in Cristiano Ronaldo uu ka tagayo kooxda ka dhisan caasimada Spain.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaa bandhigii ugu xumaa kujira isagoo dhaliyay kaliya afar gool oo La Liga ah qeybta hore ee xili ciyareedkaan

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu kusoo laabtay qaab ciyaareed sarre, isagoo seddexleey ka dhaliyay Real Sociedad Sabtidii markaasoo 5-2 ku badisay kooxdiisa.

Ronaldo oo 33 jirsaday horaantii bishaan ayaa shaki weyn uu kujiraa mustaqbalkiisa kooxda ka dhisan La Liga.

Warar soo baxayay ayaa sheegayay in laga yaabo inuu ku laabto kooxdiisii hore ee Manchester United ama Paris Saint-Germain oo si waali ah u dooneysa.

Laakiin Marcelo ayaa aaminsan in saaxiibkiisa kooxda Ronaldo uu sii joogi doono Real Madrid sannado badan, madaama uusan wax dhibaato ah qabin waqtigaan.

“Uma maleynayo inay jiraan wax run ah, sida haddii uusan ku faraxsaneyn kooxda, waxaan kuu sheegayaa inuu halkan sii joogi doono” ayuu yiri.

“Waxa uu sameynayaa wax walba oo uu kooxda ku caawin karo ayuu hadalkiisa ku daray daafaca reer Brazil.