Sida ay qortay Daily Mirror,-Chelsea ayaa kalsooni dheeraad ah ku qabta inay si dhib-yar ku heli karto saxiixa gool-dhaliyaheedii hore ee Romelu Lukaku.
Da’yarkn reer Belgium ayaa go’aansaday inuu xagaaga ka teggo Everton,waxuuna dalabyo qaali ah ka helayaa kooxaha ugu waa-weyn qaaradda Yurub.
Sida xogta lagu helay, Lukaku ayaa doortay inuu dib ugu laabto garoonka Stamford Bridge ee ku yaalla galbeedka London,halkaasoo ah goobtii uu kusoo caan-baxay.
Man United, PSG, Real Madrid iyo Juventus ayuu warkan naxdin ku noqday, laakiin saxaafadda Engalnd ayaa tebineyso in xod-xodasho aan caadi aheyn lagu hayo wakiilka Romelu ee Minola.
Antonio Conte, macallinka cusub ee Blues ayaa maamulkiisa u caddeeyay baahida uu u qabo gool-dhaliye sida Lukaku oo kale ah.
Xidiggan ayaa horey u sheegay inuu Jose Mourinho kula biiri karo Man United,laakiin lama oga sababta uu hadda u beddalay go’aankiisa, waxaase xaqiiqada warkan la arki doonaa marka uu dib u furmo suuqa.