Muqdisho-RisaalaFM- Idaacadda Risaala waxay guud ahaan ummadda muslimiinta ah ugu hambalyaynaysaa curashada bisha barakaysan ee Ramadaan, Waxaanu si khaas ah hambalyo ugu diraynaa ummada Soomaaliyeed.
Risaala waxay ummadda muslimiinta ah u rajaynaysaa in uu ilaahay bishan inooga dhigo mid aynu ku dhamaysano nabadgalyo, cibaado suuban iyo akhlaaq wanaagsan, Ilaahay ha inooga dhigo bil sabab inoogu noqota in naarta la inooga xoreeyo isla markaana uu ilaahay inoogu waajiyo janooyinkiisa naxariista leh ee aan dhamaadka lahayn.
Waxa kale oo aan ilaahay inooga rajaynaynaa in bishan ayna uga faa’iidaysan doono khayrka badan ee uu illhay ku dhex dhigay ee uu rashuulkeenii suubanaa SCW uu inoo sheegay ee quraanka iyo axaadiista la inoogu cadeeyay, Waa bil shaydaankii la xiray, caddaabtii albaabada loo laabay isla markaana ay naxariista rabbi iyo janooyinku furan yihiin, sidaa daraadeed ilaahay ha inagu gargaaro camal suuban iyo cabsidiisa..
Farxad wayn ayay noo tahay in aanu idinla wadaagno hambalyada curashada bisha barakaysan ee ramadaan, waxaan sidoo kale rajaynaynaa in ilaahay caafimaad qab iyo cibaado dhamaystiran uu inagu gaarsiiyo ciida oo ah farxada xigta ee kadib gudashada waajibaadka soonka bisha Ramadaan.
Dhamaan maamulka iyo shaqaalaha waxay idin leeyihiin Hambalyo, dhamaantiin meel kasta oo aad aduunka dacaladiisa ka joogtaan, kulu caam wa antum bilkhayr.