Home Wararka Risaala oo sanadkii 2-aad qabaneysa Barnaamijka Afuri oo hel laba ajar (SAWIRRO)

Risaala oo sanadkii 2-aad qabaneysa Barnaamijka Afuri oo hel laba ajar (SAWIRRO)

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Agaasimaha guud ee Idaacadda Risaala Ustaad Maxamed C/wahaab C/laahi ayaa maanta daah-furay barnaamijka Afuri oo hel laba ajar oo sanadkii labaad ay qabaneyso Risaala.

Idaacadda Risaala ayaa sanadii hore barnaamijkan qabatay, si guul ah ayuuna ku soo dhamaaday, waxaana sanadkan ay Idaacadda go’aansatay in sanadkii labaad ay qabato, si gargaar afurin ah loogu sameeyo dadka danta yar.

Agaasimaha Idaacadda Riaala ayaa sheegay sanadkan in ay rajeynayaan barnaamijka inuu ka duwanaado midkii hore, maadaama uu tilmaamay in sanadkii hore ay casharo ka barteen, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ka dalabday inay isugu tagaan u gurmashada walaalahooda.

Barnaamijkan oo ah midka ugu weyn ee Ramadaankii ka baxa warbaahinta Risaala, ujeedka laga leeyahay waa in qof kasta afurkiisa uu la qeybsado walaalkiisa kale ee aan awoodin inuu iska bixiyo afurka.

Sanadkii ugu horeeyey ee Barnaamijka afuri oo hel laba ajar waxaa ka faa’ideystay 700 oo qoys, kuwaasi oo aanan awoodin in ay iska bixiyaan afurka,

Kaalinta ugu weyn ee Barnaamijkan waxaa iska leh dhageystayaasha Risaala ee ku sugan dalka iyo dibaddiisa, kaalinta Risaala ee barnaamijkan waa isku xirka dadka danyarta ah ee aanan heli karin afurka iyo dadka muxsiniinta ah ee sadaqaadka doonaya in ay la baxaan.

Qofkasta oo doonaya inuu la baxo sadaqo wuxuu ku hagaajin karaa telefoonka 0025618003111.