Muqdisho-RisaalaFM- Maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 24-ka April ayaa Idaacadda Risaala waxa ay u dabaal degeysaan Sanad guuradeedii Lixaad, tan iyo markii dhibada loo taagay.
Sidaasi darteed Idaacadda Risaala, Jaamacadda JOBKEY iyo Isbitaalka SOMALI-SYRIAN ayaa waxa ay iska kaashanayaan Barnaamij gar gaar ah, gaar ahaan howlaha caafimaadka, kaasi oo ka dhacaya xero Barakacayaal ah oo ku taalla Degmada Kaxda.
Maamulada Idaacadda Risaala, Jaamacadda JOBKEY iyo Isbitaalka SOMALI-SYRIAN ayaa tagaya goobta lagu sameynayo howshan gar gaarka, halkaasi oo sidoo kale lagu qabanayo Munaasabad kooban.