Home Ciyaaraha Real Madrid oo xasuuqday Real Sociedad, CR7 oo sadexley dhaliyay

Real Madrid oo xasuuqday Real Sociedad, CR7 oo sadexley dhaliyay

SHARE

Real Madrid ayaa dib ugu soo laabatay wadadii guulaha kadib markii ay Bernabeu ku xasuuqeen Real Sociedad kulan ka tirsan horyaalka La Liga, waxeyna ku awood sheegteen 5-2.

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliya sadexley wuxuuna dib ugu soo laabtay hanaankiisii goolasha isagoo haatan 11-gool maraya, waxeyna tani ka dhigan tahay inuu kaliya 9-gool ka hooseeyo Lionel Messi oo habeen dambe ay kooxdiisa la ciyaareyso Barcelona.

Real Madrid qeybta hore kulanka ayey dhalisay afar gool oo ay kala dhaliyeen Lucas Vazqeuz, Ronaldo & Toni Kroos, balse markii la isku soo laabtay xidiga reer Portugal ayaa dhameystiray sadexley.

Guushaan waxey ka dhigan tahay in Madrid ay 16-dhibcood u jirto hogaanka horyaalka La Liga inkastoo kulan Leganes uu meel u yaalo, sidoo kalana Barca ay Getafe la balasan tahay.