Real Madrid oo war ka soo saartay dhaawaca Raphael Varane

Raphael Varane ayaa laga yaabaa inuu seego ciyaarta Finalka is Champions League ee u dhaxeysa kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid ka dib markii kooxdiisa ay xaqiijisay inuu dhaawac soo gaaray laacibkaan.

Ciyaaryahankaan laf dhabarka u ah Xulka y France gaar ahaan ololaha tartanka Euro 2016 ayaa walaac badan ay gelin doontaa macalinka xulka qaranka maadaama uu ka dhaawac kaga maqan yahay Zouma oo Chelsea u ciyaara.

Varane ayaa maanta la marsiiyay tijaabada caafimaadka waxaana la sheegay inuu dhaawac ka soo gaaray labo muruq oo lugta bidix ah.

Ma jiro war cad oo ku saabsan waqtiga uu soo laabanaayo laacibkaan laakiin  waxaa loo badinayaa inuu seegi doono ciyaarta sabtida soo socota Finalka Champions League ay kooxdiisa kula ciyaari doonto Atleti garoonka San Siro.

Dhaawacaan ayaa saameynaya marti geliyayaasha France oo tartanka European Championship, lagu dah furaayo ciyaar ay la qaadan doonaan Romania bisha June 10-keeda.

“Ka dib tijaabooyin maanta laga qaaday ciyaaryahankeena Raphael Varane waxaa lagu xaqiijiyay dhaawacyo labo ah inuu ka qabo cagta bidix, waxaana ;laga war sugayaa waqtiga uu soo bogsan doono,” ayaa lagu yiri qoraal rasmiya oo ay soo saartay Real Madrid.