Cristiano Ronaldo ayaanan sii arki doonin heshiiskiisa kooxda Real Madrid iyadoo madaxweyne Florentino Perez uu doonayo in xidigan uu iibiyo xilli ciyaareedka 2018-19, sidaas waxaa sheegaya wargeyska reer Spain ee Don Balon.
31-jirkaan ayaa bishii November ee sanadkii hore qalinka ku duugay heshiis shan sano ah taas oo ka dhigeysa inuu Bernabeu sii joogayo ilaa 2021 markaas oo uu noqon doono 36.
Madrid ayaa tabineysa in xidigan ay labo sano oo dheeraad ah kusii shaqeysan doonto kadibna ay ku qasbanaaneyso iney iibiyaan.
In Heshiis cusub ay ka saxiixaan ayaa ka danbeysay kadib guushii uu masuulka ka ahaa ee Real Madrid ay ku hanantay Champions League xili ciyaareedkii hore.
Si kastaba, madaxweynaha kooxdaas Perez ayaanan ka cabsan doonin inuu iibiyo ciyaaryahankan oo uu lacag badan kaga helo horyaalka China.
Sidoo kale C.ronaldo ayaa ku fakaraya inuu ku biiro horyaalka Mareykanka halkaas oo la fahansan yahay in ciyaaryahankan uu guryo nooca raaxada ah ku leeyahay.