Real Madrid Oo Jawaab Haboon Siisay Jamaahiirtii Ku Orisay Cristiano Ronaldo Kulankii Real Sociedad

Waxey u aheyd isbuuc xanuun badan madama uu xushmad darro kala kulmay Jamaahiirta kooxdiisa kuwaas oo ku oriyay markii uu dhawr kubad qalday ciyaartii ay 3-0 kaga farxasheen Real Sociedad todobaadkaan.

Daqiiqadii 23-aad ayaa la arkayay qaar kamid ah Jamaahiirta Los Blancos oo erayo aflagaado ah hawada u marinaya ciyaariyahankooda ugu muhiimsa, balse wax walba waxaa u istaagay kooxda oo barteeda bulshada ee Instagram-ka ku raali galisay ciyaariyahankeeda.

“Cristiano Ronaldo waa ciyaariyahanka ugu wanaagsan dunida” Ayaa lagu soo qoray barta Instagram-ka ee kooxd taasoo muujineysa in kooxda ka dhisan Santiago Bernabeu ay dareensiineyso xidiga reer Portugal inuu u yahay kan ugu muhiimsan mar walba.