Tan iyo markii uu Arsenal ka dhaqaaqay Arsene Wenger, dhowr macallin ayaa ahaa kuwa marba loo saadaaliyo kooxda Gunners inay qabtaan, balse waxaa ay maamulka Arsenal u magacaabeen macallinkooda cusub tababarihii hore ee kooxaha Valencia, Sevilla iyo PSG ee Unai Emery.
War rasmi ah oo ay soo saartay kooxda Arsenal ayaa waxaa lagu shaaciyay in macallinka Spanish-ka ah uu noqon doono macallinka xiga ee maamuli doono kooxda Arsenal.Emre ayaa qalinka ku duugay heshiis sedex sano ah sidoo kalena sanad walbo wuxuu garoonka Emirates ka qaadan doonaa 5-milyan oo pound.
Emre ayaa u taalo shaqo culus madaama uu buuxin doono booska Arsene Wenger oo mudo 22-sano ah Arsenal maamulayay.
Xigasho Goal.net