Kooxda AC Milan ayaa diyaar u ah inay xagaagan iska fasaxdo weeraryahankeeda fashilmay Nikola Kalinic waxayna booskiisa galin doontaa Mario Mandzukic.
Milan waxay u muuqataa koox ka quusatay ka mid noqshada afarta naadi ee Serie A-da xili cayaareedkan ugu sareeyo si ay Champion-ka dib ugu soo laabato.
Waa markii ugu horeesay tan iyo xili cayaareedkii 1985/86 oo ay dhici weyso Serie A-da in Milan weeraryahanadeeda laga waayo hal mid oo 10-gool gaaro!
Milan hadda waxaa ugu goolal badan Patrick Cutrone oo 7-gool Serie A-da ka dhaliyay halka Suso iyo Jack Bonaventura ay min 6-gool dhaliyeen.
Balse waxaa nasiib daro ah in Kalinic uu Milan ugu fadhiyo €25m shaqadii kooxda loo keenay u qaban waayay waana qasab in xagaagan San Serio laga diri doono.
Calcio Mercato ayaa qortay in Milan lasoo saxiixan doonto Mario Mandzukic oo isagana fasax ka heesto Juventus inuu isaga tago marka uu xili cayaareedkan soo idlaado.
Milan iyo Juve xiriir cayaartooy kala iibsasho ayaa ka dhaxeeyo ayadoo ugu dambeesay in bilawgii xili cayaareedkan ay kala iibsadeen Leonardo Bonucci iyo Mattia De Sciglio haatana dhib ma noqon doono Milan inay Mandzukic Juve ka helaan.