Warbixinta Qaramada Midoobay waxay faahfaahinaysaa xad gudubyada ay geysteen dhammaan dhinacyada isku haya Yemen, haddii ay noqon lahayd weerarada diyaaradaha ee isbitaalada, dugsiyada, miinooyinka dhulka lagu aasayo iyo miinooyinka kala firdha iyo caruurta askarta loo qorto.
Collaadda Yemen waxay dhalisay, sida Qaramada Midoobay ay sheegtay heer laga argagaxo oo xaaladu ay rajo dhacmarayso.
Waxaa nafaqa daro haysaa 7.6 million qof, waxaa guryahoodii ka cararay oo barakacay 3 million oo qof. Ilaa bishii March ee sanadkii hore waxaa dhintay oo la dilay ilaa 4 kun oo qof.
Baaritaanka weerarada militriga, ayaa Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dhowr jeer aysan jirin ama aanay helin bar ama goob milatari oo la weeraray oo wax la gaarsiiyey iyo in marar badan dhaawacyada shacabka soo gaaraa uu xad dhaaf yahay oo la adeegsado xoog iyo awood aan loo baahneyn.
Inkastoo dawladda Yemen ay bilowday baaritaan heer qaran ah, haddana Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dhinacyada ku dagaalamaya oo dhan aysan taageereyn.
Cidii masuul ka noqoto xad gudubyada waa in sharciga la hor keeno, beesha caalamkana waxaa saaran xil damiir iyo qaanuun ku saleysan in ay baaritaan ku sameyso ayna xaqiijiso waxa ka dhacaya Yemen ayay sheegtay Qaramada Midoobay.