QM oo ka shiraysa Qaraar ku aadan Arrinta Qudus

Dowladda Dalka Masar ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midobooy u gudbisay Qaraar qabyo ah oo ku aadan sharci ahaan Shaha magaalada Barakaysan ee Qudus,taasi oo Mareykanka uu sheegay in uu u aqoonsaday in ay tahay Caasimadda Israel,balse ka dhalatay caro ay muujiyeen dhamaan Dadyooga Caalamka gaar ahaan Muslimiinta.

Qaraarkan qabyada ah ayaa dhigaya in sal iyo raad aysan shaciga ku lahayn in hal dhinac uu go’aan ka gaaro mustaqbalka magaalada Qudus.

Tillaabooyiinkan oo ay soo jeedisay dowladda Masar ayaa ku soo beegmaya ka dib markii uu madaxwayne Trump ku dhawaaqay in Mareykanka ay Qudus u aqoonsadeen caasimada Israa’iil.

Qaraarkan qabyada ah ee loo gudbiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqaya dhammaan dalalka kale in ay ka dheeraadaan in ay safaaradahooda ka samaystaan magaalada Qudus.

Dublamaasiyiinta ayaa sheegaya in qaraarkani uu haysto taageerada inta badan xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Balse waxaa laga cabsi qabaa in xukumadda Washington ay adeegsadto codka diidmada qayaxan ee Veto.