Home Wararka Qeybo ka mid ah wadada wadnaha oo saaka xiran

Qeybo ka mid ah wadada wadnaha oo saaka xiran

SHARE
A Somali policeman stands guard along a road which was blocked to control motor vehicle traffic, during a security lock down in Somalia's capital Mogadishu, February 7, 2017. REUTERS/Feisal Omar

Muqdisho-RisaalaFM- Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka xiray qayb ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama iyo guud ahaan wadada Wadnaha ee muhiimka u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Ciidan fara badan oo dowladda ka tirsan, ayaa lagu arkayaa wadooyinkaasi, kuwaasi oo gaadiidka iyo mootooyinka u diidaya inay halkaasi maraan, iyadoo dadka ay isweydiinayaan sababta wadada loo xiray.

Dadka reer Muqdisho oo sooman, islamarkaana u kala haya goobahooda shaqada, ayaa ah kuwa lugeynaya, maadaama gaadiidka loo diiday wadada inay maraan.

Sidoo kale dadka reer Muqdisho oo isku diyaarinaya maalmaha Ciidul Fidriga ayaa la kulmaya dhibaatooyin kala duwan oo dhanka wadooyinka Magaalada ku aadan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maalmo kahor amray in la furo wadooyinka magaalada Muqdisho, iyada oo ay muuqato in weli amarkaas aysan Hay’adaha ammaanka u hogaansamin.