Qaraxyo ka dhacay dalka Ciraaq

Qaraxyo waaweyn ayaa waxa ay ka dheceen labo ceel oo ah kuwa saliidda oo ku yaala gobolka Kirkuk ee woqooyiga dalka Ciraaq.

Qaraxyada ayaa sababay in gebi ahaanba uu joogsado wax soo saarka ceelashaasi.

Taliyaha booliska ee Kirkuk ayaa sheegay in labo qarax ay ka dheceen ceelasha saliidda ee Khabbaz oo ay dowladda maamusho isla markaana halkaasi uu burbur ba’an soo gaaray.

Goobtaasi ayaa wax ay u dhowdahay dhul ay maamusho kooxda khilaafada islaamka oo dagaalyahanadeeda ay mar kale weerareen magaalada Telskuf ee ku taala woqooyiga dalkaasi.

Shalay oo talaada ahayd ayaa xoogagga kurdiyiinta ee Peshmerga-ka waxa ay shaaciyeen in magaaladaasi ay dib uga qabsadeen kooxdaasi jihaad doonka ah.

Magaalada Telskuf ayaa 30 kilomitir dhanka woqooyi ka xigta magaalada saliidda qaniga ku ah ee Mowsil oo mintidiinta kooxda Khilaafada Islaamka gacanta ugu jirtay ku dhaawad muddo labo sano ah.