Home Caalamka Qaraxyo ay ku dhinteen 24 Qof

Qaraxyo ay ku dhinteen 24 Qof

SHARE

Ugu yaraan 24 Qof ayaa ku geeryootey 70 kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii Labo Qarax ay ka dhaceen meel ku dhow xarunta Baarlamaanka Afganistan ee magaalada caasimada ah ee Kabul.

Inta badan dadka ku geeryoodey Qaraxyadan ayaa waxa ay ahaayeen dad shacab ah iyo Ciidanka ammaanka, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Afhayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid,ayaa sheegtay Mas’uuliyada Qaraxyadan.

Waardiye ka tirsan xarunta Baarlamaanka oo ku dhaawacmay Qaraxyadan ayaa AFP u sheegay in Qaraxyadu ay ahaayeen kuwo xoogan, sidoo kalena ay ku dhamaadeen dad aan waxba galabsan.

Qaraxa koowaad ayaa waxaa fuliyay nin naftii hore ah, halka midka labaadna uu ahaa Gaari la dhigay dhinaca kale ee wadada, sidaasina uu ku qarxay.