Qaraxyo xooggan ayaa lala beegsaday goob saldhig u ah Kooxda Ahrar al-Sham ee gobolka Idlib ee dalka Suuriya sida ay sheegeen Warbaahinta dalkaasi.
Inta la xaqiijiyay 14 ka mid ah Kooxdaasi ayaa ku dhintay labo qarax oo isku xigay oo ka dhacay degaanka Tal al-Toqan oo 11KM u jira Magaalada Saraqib.
Sidoo kale Qaraxyadaasi waxaa ku dhaawacmay in ka badan 11 qof oo Shacab u badan.
Qaraxa koowaad ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid loo adeegsaday Mooto laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa.
Sarkaal ka tirsan Kooxda Weerarka lagu qaaday ayaa Saxaafadda u sheegay in Qaraxyo ay ahaayeen kuwo xooggan.