Home Wararka Qarax lala eegtay Garoon Kubada Cagta lagu cayaaro oo ku yaalla Baraawe

Qarax lala eegtay Garoon Kubada Cagta lagu cayaaro oo ku yaalla Baraawe

SHARE

Baraawe-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax galabta ka dhacay Garoon kubadda cagta lagu ciyaaro oo ku yaalla bartamaha degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxan ayaa waxa uu ahaa mid si weyn looga maqlay guud ahaan degmada Baraawe, waxaana Qaraxa uu ahaa Miino dhulka dhulka lagu aasay.

Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa waxaa socotay Ciyaar kubadda Cagta ah oo u dhaxeysay laba kooxood oo si weyn looga garanayo degmada Baraawe, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Elman iyo SYl.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose C/fataax Xaaji Cabdulle ayaa Idaacadda Risaala u sheegay qaraxan in ay ku dhinteen ilaa Afar qof, sidoo kalena ay dhaawacmeen dad ku dhaw 10 qof, dadka dhaawacmay ayaa waxaa la dhigay Isbitaalada Magaalada.

Wuxuu sheegay Qaraxan in ay ka dambeeyaan ururka Al-shabaab, isaga oo intaa raaciyay in Hay’adaha ammaanka ay ku daba jiraan raggii falkan ka dambeeyay, ayna rajeynayaan in ay gacanta ku soo dhigaan.

Dadka qaraxa ku waxyeeloobay ayaa waxa ay u badan yihiin Dhalinyaro xilligaasi daawaneysay ciyaar kubada cagta ah, iyada oo Waalidiintooda ay aad uga walwalsan yihiin caruurtooda ay waxyeelada soo gaartay.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo gurmad ah ayaa ka baxay Magaalada Muqdisho, waxayna ku biireen Ciidamada Howlgalka wada, ee ka daba tagaya ragga falkan dhibaatada ah geystay.