Jowhar-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya qarax lagula eegtay Wadada u dhaxeysa Jowhar iyo degmada Balcad.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid lagu aasay Wadada dhinaceeda, waxaana lala eegtay gaari tikno ah oo ay saarnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Waxaa jira Khasaare soo gaaray Ciidamada xoogga sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka.
Qaraxa ayaa ka dhacay degaanka Ilbaq oo dhowr jeer lagu weeraray Ciidamo ka tirsan dowladda.
Bishii hore ayay aheyd markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay jidka u galeen kolonyo ay la socdeen Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle, waxaana weerarkaas ku dhintay labo xildhibaan iyo sagaal askari.
Ammaanka Wadada xiriirisa Jowhar iyo Balcad ayaa faraha ka baxay, waxaana dhowr jeer Mas’uuliyiinta Hirshabeelle ay sheegeen in ay wax ka qaban doonaan laakiin hadda waxaa muuqata in ay ku guul dareysteen.