Boosaaso-RisaalaFM- Saddex Askari oo ka tirsaneyd Ciidanka Maamulka Puntland ayaa ku dhintay weeraro kala duwan oo ka dhacay degaanada Puntland xalay iyo maanta oo Arbaco ah, sida ay sheegeen Hay’adaha ammaanka.
Laba Askari oo ka tirsaneyd Ciidanka Puntland ayaa maanta geeryooday kadib qarax ka dhashay Miino lagu aasay wadada gasha Tuulada Galgala oo ay isticmaalaan Ciidamada Puntland.
Dhinaca kale Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Gobolka Bari ayaa xalay toogasho lagu dilay xilli uu marayay meel ku dhow suuqa degmada Boosaaso ee Gobolka Bari, waxa kaloo goobta lagu dilay Askariga laga helay nin shacab ah oo dhaawacan.
Saraakiil ka tirsan Hay’adaha ammaanka Maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaanada la xiriira falalkan dhacay, iyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggii geystay.
Shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay ku faafiyaan wararkooda ayaa waxa ay sheegeen in ay qarax ku dileen Taliyihii ciidamada Miina Baarista maamulka Puntland oo lagu magacaabi jiray Col. Xidig C/laahi Cali Geyre iyo sarkaal kale oo magaciisa lagu soo gaabiyay Keyse.
Waxay kaloo Shabaab sheegeen Taliyaha dhintay inuu isku dayay in uu kala furfuro walxaha qarxa oo lagu aasay wadada hareeraheeda balse qarax xooggan ayaa qabsaday taas oo keentay dhimashada Col. Xidig C/laahi iyo Keyse.