Qarax lagu weeraray hoyga Xildhibaan ka tirsan Hirshabelle

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle waxaa xalay bam gacmeed lagu weeraray hoyga Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle.

Xildhibaanka gurigiisa lagu tuuray bam gacmeedka, ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Bashiir Qaasim Daqare, iyadoo xubno ka mid ah qoyskiisa ay ku dhaawacmeen bamkaasi.

Sida wararka ay sheegayaan xaaska Xildhibaanka iyo mid ka mid ah ilaalada Xildhaanka ayaa dhaawac uu ka soo gaaray qaraxaasi, kadib markii bambada guriga ay ku dhex qaraxday.

Xildhibaan Daqare ayaa ka maqnaa hoygiisa, wuxuuna ku maqan yahay Magaalada Muqdisho sida ay xaqiijiyeen Xildhibaano kale oo ka tirsan Maamulka Hirshabelle.

Saraakiisha ammaanka Degmada Jowhar ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen dadkii ka dambeeyay falkaasi inay ka baxsadeen goobta, markii xalay ay ku tureen Bam gacmeedka hooyga Xildhibaankaasi.

Xildhibaanka gurigiisa qaraxa lagu weeraray ayaa wuxuu degan yahay xaafadda Mishinka ee Magaalada Jowhar.