DHAGEYSO: Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay degmada Shibis.

Qarax  khasaare geystay ayaa waxa  uu ka dhacay degmada shibis ee gobolka Banaadir.

Qof goob jooge ah oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay.

Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay isgoysyada Beexaani agagaarka Hotel Global.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa soo gaaray goobta waxaana ay halkaasi ka wadaan howlgallo.