Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, qarax ayaa saaka mar kale waxa uu ka dhacay Magaalada gudaheeda.
Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa wuxuu ka dhacay meel u dhaw Shirkad Bulukeetiga jarta oo ku taala Xaafada Cariga Boosaaso.
Saraakiisha ciidamada Booliska ayaa sheegay miino nooca dhulka lagu aasay inay aheyd qaraxaasi, khasaaraha ka dhashayna dib ay ka soo sheegi doonaan.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya inuu jiro khasaare ka dhashay qaraxaasi oo soo gaaray dad shacab ah oo halkaasi maraayay sida dadka deegaanka ay sheegeen.
Ciidamada Booliska ayaa Magaalada Boosaaso waxa ay ka wadaan hawlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo, maadaama xalay magaalada ay ka dhaceen qaraxyo iyo dagaal toos ah oo lagu qaaday Saldhiga ciidamada Booliska.
Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weeraradii xalay ka dhacay Magaalada gudaheeda, waxayna sheegeen inay ku waxyeeleen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland.