Mas’uuliyiinta dalka Iraq ayaa sheegay in 70-qof ay ku dhinteen weerar ismiidamin oo ka dhacay magalada Bagdaad ee caasimada dalka Iraq iyo degaanada ku dhow dhow.
Madaxda ayaa sidoo kale sheegay in dadka dhintay ay ku jireen ciidamada amaanka wadankaasi.
Kooxda Khilaafada islaamka la magac baxday ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaasi waxaana ay tilmaameen in ku dhawaad 13-qof ciidamada amaanka Iraq ay ka dileen.
Wixii ku soo kordha warkaas la soco insha allah