Qarax ka dhacay dalka Ciraaq, ayaa wuxuu dilay dad badan oo gaaraya 38 ruux, iyadoo tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen Qaraxaasi.
Nooca Qaraxan ayaa wuxuu ahaa mid Ismiidaamin ah oo lagu qaaday goob ay ka socotay tacsi Magaalada Muqdadiyah oo 90 KM dhanka Waqooyi ka xigta Magaalada Baghdad ee dalkaasi Ciraaq.
Saraakiisha Dalka Ciraaq, waxa ay sheegeen Qaraxaasi inuu ahaa mid Ismiidaamin ah oo lagu qaaday goobtaasi tacsida ay ka socotay dad badana ay ku dhinteen.
Qaraxa ayaa yimid maalin kadib markii kooxda Daacish ay degmada shiicada ku badan tahay ee Sadr ee magaalada Baghdad ay ka fulisay qarax ay ku geeriyoodeen 33 qof.
Qaraxan ka dhacay Magaalada Muqdadiyah, ilaa hada ma jirto cid sheegatay masuuliyadeeda, laakiin waxaa loo badinayaa inay ka dambeeyaan Kooxda Daacish.
Dalka Ciraaq waxaa ku badan Qaraxyada dadka badan ay ku dhimanayaan ee masuuliyadooda ku faanaya Kooxda Daacish ee dalalka Ciraaq iyo Syria ka dhisan.