Qaramada Midoobay ayaa 11 million oo dollarka Mareykanka ah ay ku bixin doonta kaalmada bani’aadanimo oo ay saameysay abaarta ka jirta gobolada waqooyiga Soomaaliya.
War ka soo baxay xafiiska Q.M ee isku duba ridka gargaarka insaaniga ayaa sheegay in kaalmadan loogu talagalay in lagu badbaadiyo nolashada dadka ay abaarta saameysay oo ku nool deegaanada Puntland iyo Soomaaliland, ayagoo la shaqeynaya ururada ay bahwadaagta yihiin.
” Kaalmadan ayaa waxaa kamid ah cuno, raashiinka kale ee nafaqada, tallaalka xoolaha, adeeg caafimaad,biyaha iyo hagaajinta nadaafadda ,” sida OCHA laga soo xigtay.
Sida ay OCHA, sheegtay in kaalmadan 6.5 milyan kamid ah loo qoodeeyay dadka ay abaarta dhibaateysay gaar ahaan deegaanada dhaca waqooyiga Soomaaliya.
Xafiiska Qaramada Midoobay gargaarka insaaniga u qaabilsan ee OCHA, ayaa ugu dambeytii sheegay in dhibaatada abaarta ay ugu sii dartay markii ay hoos u dhaceen ilihii biyaha la cabo laga heli jirey taas oo soo socotay bilihii u dambeeyay.
Wadarta guud ee lacagta la heley ayaa gaaraysa 157 million oo dollarka Mareykanka ah tan iyo bilowgii sanadkan taas oo la qorsheeyay in lagu fuliyo kaalmada bani’aadinimo ee Soomaaliya.