Home Wararka Puntland oo shaqada ka ceyrisay Wasiirkii ka hadlay Qalbi-Dhagax

Puntland oo shaqada ka ceyrisay Wasiirkii ka hadlay Qalbi-Dhagax

SHARE

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa xilka ka qaaday Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo xiriirka Gobolada ee Puntland Bashiir C/raxmaan Xaaji (Gurxan) oo la hadlay VOA ayaa sheegayna Dowladda Federaalka in ay ku sax saneyd in (Qalbi-dhagax) ay u dhiibto Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu ka hadlayo aragtidiisa iyo mowqifka Puntland, sidaasi awgeedna Maamulka Puntland uu taageersan yahay talaabada Dowladda Federaalka ay ku dhiibtay (Qalbi-dhagax).

Puntland ayaa ka carootay hadalka Gurxan, waxaana laga qaaday Xilka sida lagu sheegay Warqad kasoo baxday Madaxweyne ku xigeenka Puntland.