Home Ciyaaraha PSG oo diyaarisay €150 million ay Barcelona saxiixa Coutinho kaga dul qaadi...

PSG oo diyaarisay €150 million ay Barcelona saxiixa Coutinho kaga dul qaadi laheyd

SHARE

Kooxda PSG dar darteeda suuqa Yurub ma ahan mid joogsaneyso waxayna isku diyaarineysaa inay bisha Janaayo gacanta kusoo dhigto kubad sameeye Phillippe Coutinho.

Sida majalada Sport ay qortay PSG waxay diyaarisay €150 million dalab ah inay Liverpool u gudbiso si ay bisha Janaayo kaga soo qaadato.

PSG hadafkeeda wuxuu yahay saxiixa Coutinho inay ku garacaado naadiga Barcelona oo aan weli ka quusanin helitaanka xidigaan tayada wanaagsan.

Neymar saaxiibo dhow ayay yihiin Coutinho oo ay xulka Brazil ka wada tirsan yihiin wuxuuna ku qal qaalinaa saaxiibkiis inuu caasimada France usoo guuro sanadka iska cusub iska dafiro dalabka Barcelona.