Kooxda PSG ee dalka faransiiska ayaa baadi goob ugu jirta saxiixa laacibka qadka dhexe ee Inter Milan Ivan Perisic sida ay baahisay Le 10 Sport.
Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda PSG Patrick Kluivert ayaa hordhigay kooxda Inter Milan aduun dhan 40 milyan oo euro si uu u helo Ivan Perisic.
Ivan Perisic ayaa ka ciyaari kara weerarka iyo qadka dhexe, waana laacib buuxin kara booska Cavani hadii uu dhaawac soo gaaro.
Tababare Unai Emery ayaa u arka Ivan Perisic laacib ku haboon kooxdiisa isla markaana soo noolayn kara rajada PSG ee horyaalka Faransiiska xiliciyaareed kan.