Home Ciyaaraha Petr Cech oo kooxda Arsena ka heli doona abaal marin uu ku...

Petr Cech oo kooxda Arsena ka heli doona abaal marin uu ku farxo

SHARE

Petr Cech ayaa lagu wadaa in lagu abaal mariyo qaab ciyaaredkiisa fiican ee Arsenal waxaana laga dhigi doonaa kabtanka kooxda, sida laga soo xigtay Daily Mail.

Iyadoo kabtanka haatan ee Mikel Arteta qarka u saaran yahay inuu ka tago Emirates Stadium June, Arsene Wenger ayaa raadinaya bedelka ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain.

wargeyska ayaa sheegay in tababaraha indhihiisa hadda qabteen Cech, kaasoo sameeyey aragti weyn tan iyo markii uu yimid kooxda waqooyiga London xagaagii hore.

xirfadaha Cech ayaa loo maleeynayaa inay dhiirogelin muhiim ah u tahay go’aanka suurtagalka ah ee Wenger uu qadan doono.

Goolhayaha qibrada leh ayaa ku hadla shan luqadood tasoo loo arkayo mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee loo dooran karo.