Pep Guardiola oo Qirtay In Bayern & Barcelona Laga Ceyrin Lahaa Xili Ciyaareedkaan

Tababare Pep Guardiola ayaa aqbalay in laga ceyrin lahaa shaqada Barcelona & Bayern Munich marka la eego waxqabadkiisa xili ciyaareedkaan ee kooxda Manchester City.

Guardiola ayaa soo gaaray Etihad Stadium xagaagii lasoo dhaafay balse wuxuu u dhamaaday xili ciyaareedkaan isagoo gacmo maran oo aan wax koob ah u qaadin, waana markii ugu horeysay oo uu sidaas ku dhameysto isagoo dagaal ugu jira sidii uu afarta sare ugu dhameysan lahaa.

Macalinka reer Spain ayaa ka dhawaajiyay isniintii shalay aheyd inuu yahay qof nafsadiisa halis weyn galiyay hadii uu ku fashilmo xili ciyaareedka soo aadan inuu hormariyo kooxda sidoo kalana hormarkiisa iyo waxqabadkiisa si weyn loogu rakibi doono kooxahiisii hore Barcelona iyo Bayern Munich.

“Xaaladaan hadan kula kulmi lahaa koox weyn, waa la i ceyrin lahaa, waxan ahaan lahaa banaanka, sidaan hubo, dhab ahaantii masii joogeen kooxahii aan kasoo shaqeeyay”

“Haa, sababtoo ah waxaan ku qasbanahay inaan koob ku guuleysto, cadaadiska waa midka aan la kulmay markaan imid Barcelona anigoon difaaceynin nafsadeyda, kooxdaas, hadii aadan lix bilood waxba ku guuleysan waxaa tahay banaanka. marka aad joogto Bayern & Barcelona waad inaad koob ku guuleysato, hadii aadan sameyn laguma siinayo fursad labaad”