Home Ciyaaraha Paul Pogba, Neymar iyo Gianluigi Buffon oo laga yaabo ineysan kasoo muuqan...

Paul Pogba, Neymar iyo Gianluigi Buffon oo laga yaabo ineysan kasoo muuqan shaxda ugu wanaagsan FIFA

SHARE

Paul Pogba, Neymar iyo Gianluigi Buffon ayaa dhamaantood ka maqan, 11 ciyaaryahan ee ugu fiican FIFA  sanada 2016, sida uu Goal.com  uu si hordahc ah u soo saaray saaka.

Xiddiga Manchester United Pogba ayaa noqday ciyaaryahanka ugu qaalisan taariikhda kubada cagta, xagaagii hore ka dib markii uu € 100 million kaga yimid  Juventus, laakiin ilo Goal ay kasoo xiganeyso Switzerland in kaliya xiddigaan uu helay laba cod.

Laacibkii ay kawada tirsanaayeen kooxda Juventus Pogba ee Buffon ayaa ku riyaaqay sanadii tagtay ee 2016 qaab ciyaareed wanaagsan, balse waxa uu ku guuldareystay inuu noqday dooqa labaad ee abaalmarinta PFA.

Neymar xiddiga  Barcelona ayaa ku guuleystay koobka Olympic Games oo uu la qaaday qarankiisa Brazil, laakiin waxaa uu ka maqan yahay weerarka FIFA.

Best FIFA Football ayaa caawa ka dhici doonta magaalada Zurich caawa oo isniin ah, waxa ayse u badan tahay in Cristiano Ronaldo loo magacaabo FIFA World Player of the Year.

FIFPro waxaa codeeyay  Wadar ahaan 26.516 ciyaartoyda oo ka kala socda 69 dal, waxa ayna soo dooranayaan 11 ciyaartoy ee ugu wanaagsaney sanadii tagtay iyo waliba laacibka sanadka.

Tan iyo sanadii 2005-tii shaxda ugu wanaagsan ee FIFA ayaa loo isticmaalayay qaab ciyaareedka ah 4-3-3.

Sanadii hore ayaa shaxdaan waxaa kasoo muuqday: Manuel Neuer; Dani Alves, Sergio Ramos, Thiago Silva, Marcelo; Paul Pogba, Luka Modric, Andres Iniesta; Cristiano Ronaldo, Lionel Messi, Neymar.