Home Caalamka Pakistan oo bilowday gantaal riddo dheer oo laga rido badda hoosteeda

Pakistan oo bilowday gantaal riddo dheer oo laga rido badda hoosteeda

SHARE

Militariga dalka Pakistan ayaa shaaciyay inay si guul ah ku dhammaatay tijaabada gantaalkoodii ugu horeeyay ee riddo dheer oo badda hoosteeda laga rido.

Gantaalka loogu magacdaray Babur-3, oo gaari kara illaa 450km, ayaa qaadaya madaxyada hubka nukliyeerka, sida uu xaqiijiyay afhayeen la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Ra’iisul wasaare Nawaz Sharif wuxuu tilmaamay in tijaabada ay muujineyso guusha Pakistan ee teknolojiyadda iyo isku filnaanta.

Sikastaba, dadka arrimaha amniga falanqeeya waxay sheegayaan in tallaabadan ay sare u qaadi karto khilaafka ka dhexeeya Hindiya iyo Pakistan.