Om Puri oo maanta ku geeriyooday Mumbai

Om Puri oo maanta ku geeriyooday Mumbai

SHARE

Jilaaga caanka ah ee u dhashay Wadanka India, Om Puri, ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Mumbai, ka dib markii uu wadnaha istaagay.

Xubno ka mid ah qoyskiisa, ayaa waxay xaqiijiyeen in jilaagu uu ku geeriyooday hoyga, uu ka deganaa Magaalada Mumbai.

Om Puri oo 66 jir ahaa, ayaa sameeyay aflaan caalami ah iyo kuwa u gaar ah Wadanka India, waxaana uu aad u soo caan baxay horaantii 1980-kii.

Jilaaga, ayaa sanadkii 1950 ku dhashay Gobolka Haryana ee Waqooyiga India. Filimkiisii ugu horeeyay (Ghashiram Kotwal), ayuu sameeyay sanadkii 1976-kii.

Xidigan ka tirsanaa Bollywood-ka India, ayaa inta badan waxay aflaantiisu ku saabsanaayeen India, Pakistan iyo Britain.