Obama iyo Castro oo wali ku kala aragti duwan arrimo badan

Kala qaybsanaanta dhanka aragtiyada ee u dhaxeysa mareykanka iyo Cuba ayaa si weyn u soo shaac baxday kaddib markii ay kulmeen hoggaamiyeyaasha labadani dal.

Arrimaha ay sida weyn ugu kala qaybsan yihiin ayaa waxaa ka mid ah dimuquraadiyadda iyo arrimaha la xiriira xaquuqul insaanka.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in xiriirka u dhaxeeya labada waddan uu gaari karo meel wanaagsan haddii Cuba ay horumar ka sameyso isbadalada dhanka siyaasadda iyo xaquuqul insaanka.

Dhanka kale madaxweyne Raul Castro ayaa mareykanka ku eedeyay labo wajiilanimo, waxa uuna si weyn u dhaliilay xayiraadaha dhaqaale ee saaran dalkiisa.

Castro ayaa ugu baaqay Obama in uu gacanta dowladdiisa ku soo celiyo saldhigga ciidamada badda ee Guantanamo.

Inkastoo ay kala qaybsanaantaasi jirto haddana labadani hoggaamiye ayaa waxa ay sheegeen in ay doonayaan in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo wanaajin lahaa xiriirka ka dhaxeeyo labadani dal, iyagoo sidoo kale shaaciyay horumarka ay ka gaareen arrimahaasi.