Kooxda Napoli ayaa guul muhiim ah ka heshay naadiga Shakhtar kadib markii 3-0 ay ku xaaqeen.
Napoli goolasha ay ku badisay waxaa u dhaliyeen Lorenzo Insigne daqiiqadii 56-aad, Piotr Zielinski daqiiqadii 81-aad iyo Dries Mertens daqiiqadii 83-aad.
Napoli haatan waxay leedahay 6-dhibcood Guruub F ayadoo sedex dhibcood ka hooseyso Shakhtar rajadeena waxay ku jirtaa kulanka ugu dambeeyo in Man City kaga badiso Shakhtar iyagana Feyenoord ay ka badiyaan.
Kooxda Man City oo horey usoo baxday ayaa xaqiijisay inay kaalinta kowaad kaga soo baxeen Guruub F kadib markii 1-0 ay guusha kaga qaateen naadiga Feyenoord.
Raheem Sterling ayaa daqiiqadii 88-aad Man City goolka guusha u dhaliyay waxayna haatan leeyihiin 15-dhibcood ayagoo guuleesteen 5-ta kulan ay cayaareen Guruub F.