Mauro Icardi oo lala xiriiriyay inuu u dhaqaaqo kooxda Arsenal mudooyinkii ugu danbeyay, kabtanka Inter ayaa haatan bartilmaameed xoogan u noqday kooxda Napoli.
Madaxweynaha Aurelio De Laurentiis ayaa u arka bedelka weeraryahanka Gonzalo Higuain kasoo xili ciyareedka soooscda u dheeli doona kooxda Juventus.
Sida lagu qoray Gazzetta, Napoli ayaa isha ku heysa weeraryahanka Inter Milan kasoo loo arko bedelka kaliya ee Higuain,
Kooxda ka dhisan Naples ayaa la sheegay in € 40 million dalab ah miiska ay u saartay kooxda Inter weraryahankeeda, tababaraha kooxda Napli Maurizio Sarri ayaana taageere weyn u ah 23-sano jirkaan,
Madaxweyne De Laurentiis ayaa u ogolaaday ciyaryahanka reer Argentina in uu kusoo biiro kooxdiisa.
Dhanka kale, Napoli ayaa dooneysa inay Higuain ka dirto Stadio San Paolo iyadoo la filayo in heshiis €90 million ugu wareejiso kooxda Juventus.