Weeraryahankii hore ee kooxda Barcelona Neymar Jr ayaa ka hadlay in naadigiisii hore ay la saxiixatay Paulinho.
Neymar waxa uu laacibka ay dhalashada wadaagaan ee ay reer Brazil Paulinho ugu hambalyeeyey ku biiritaankiisa kooxda Catalans.
Kooxda ku dheesha garoonka Camp Nou ee Barcelona ayaa shalay xaqiijisay inay dhammaystirtay saxiixa Paulinho kaasoo ay adduun dhan 40 milyan oo euros uga soo qaateen naadiga reer China ee Guangzhou Evergrande.
Neymar oo ka hadlay in 29-sano jirkaan ku biiray kooxdiisii hore ayaa yiri: “Waxaan kuu rajeynayaa in aad sideyda oo kale farxad u hesho.”
Ciyaaryahankii hore ee kooxda Tottenham Paulinho ayaa noqoday saxiixii ugu horreeyey ee ay Barcelona sameyso tan iyo markii uu Neymar Jr ka tagay oo uu 222 milyan oo euros ugu biiray naadiga Paris Saint – Germain ee Waddanka Faransiiska.