Home Caalamka Muwaadiniin Seerbiya u dhalatay oo lagu dilay Libya

Muwaadiniin Seerbiya u dhalatay oo lagu dilay Libya

SHARE

Labada qof oo u dhashay Serbia ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay weerarkii cirka ee diyaaradaha mareykanku jimcihii ay ku qaadeen mintidiin joogta Libya.

labada qof oo kala ah , Sladjana Stankovic iyo Jovica Stepic,waxay shaqeyn jireen safaaradda,waxaana la afduubay bishii Nofember.waxay u egtahay in lagu hayey meel u dhow magaalada galbeedka Libya ku taal ee Sabaratha oo mareykanku ay bartilmaameed ka dhigteen wax ay sheegeen in ay ahayd xaro tababar oo mintidiinta IS lahayd.

Wasiirka arrimaha dibadda Serbia Ivica Dacic ayaa sheegay in la filayey haybta 2da qof,laakinse aysan xaqiijin karin dhimashadooda