Home Wararka Muqdisho oo lagu qabtay xuska maalinta Dhalinyarada Aduunka

Muqdisho oo lagu qabtay xuska maalinta Dhalinyarada Aduunka

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho waxaa Maanta lagu qabtay Munaasabada Xuska Maalinta Caalamiga ah ee dhalinyarada Adduunka.

Munaasabada Waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka, Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha Masuuliyiin ka tirsan labada golle ee dowladda, Xubno ka socday ururada dhalinyarada Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah wakiilada beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho.

Masuuliyiintii iyo Xubnihii ka socday Ururada dhalinyarada ayaa ka hadlay ahmiyada maalintan ay u leedahay dhalinyarada.

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumada Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa Hambalyo u dirtay dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa ay kula dardaarantay dhalinyarada Soomaaliyeed iney ka shaqeeyaan Nabadda iyo hormarinta Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay gelinkii danbe ee shalay daawashada Ciyaaro kala duwan oo Muqdisho lagu qabtay, kuwaas oo lagu maamuusayay maalinta dhalinyarada Adduunka.

Mudane Khayre waxaa uu cadeeyay go’aanka dawladda ee ku wajahan wax-ka qabashada arrimaha dhalinyarada iyo siday da’yartu uga qeyb gali lahaayeen nabadaynta iyo horumarka dalka, wuxuu tilmaamay inay dawladdu u dhago nugushahay dhalinta Soomaaliyeed.