Muqdisho-RisaalaFM- Munaasabadaan lagu sagootinaayay Wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xamud ayaa Xalay lagu qabtay Xarunta Aqalka dowladda Hoose ee Xamar.
Munaasabada waxaa soo qaban qaabiyay Maamulka gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb galay ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna Guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka, Wasiiro, Xubnaha labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya, Masuuliyiinta sare ee gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa Guddoomiye Xumud iyo wafdigiisa mar kale ku soo dhaweeyay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumada Soomaaliya Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka sheekeysay kaalinta dowladda Jabuuti ay ku lahayd dhismaha dowladnimada Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xumud oo munaasabada ka hadlay ayaa umahad celiyay maamulka gobolka Banaadir, isaga oo sidoo kale sheegay in shacabka labada magaalo ee Jabuuti iyo Muqdisho ay yihiin dad walaalo ah.
ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhalinyarada ugu baaqay iney ka shaqeeyaan sidii dalkan uu u noqon lahaa mid Xasiloon.
Sidoo kale dhalinyarada waxa uu ugu baaqay iney u diyaar garoobaan sidii talada dalka guud ahaan ay ula wareegi lahaayeen oo ay u muujin lahaayeen kaalintooda.