Mourinho oo Ku dhaw in uu ku dhawaaqo saxiixiisa Labaad Iyo Saddexaad

Manchester United ayaa ku dhow inay saxiixooda labaad iyo saddexaad ee xagaagan suuqa kala iibsiga ku dhawaqdo, iyadoo Henrikh Mkhitaryan iyo Zlatan Ibrahimovic ay wada imaaan doonaan garoonka Old Trafford.

United ayaa la rumeysan yahay inay wadahadalo horumar leh kula jiraan Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Borussia Dortmund Mkhitaryan, iyadoo heshiis in ay la gaaraaan qarka u saaran yihiin,

Jose Mourinho ayaa xiriir wanaagsan sidookale la leh Weeraryahankii hore ee Paris Saint-Germain Zlatan Ibrahimovic, kasoo ay kawada shaqeeyeen Inter Milan.

Xiddiga Sweden, ayaa dhawaan ka fariistay ciyaaraha caalamiga, waxaana uu qarka u saaran yahay inuu u saxiixo heshiis hal sanno ah todobaadkaan gudihiisa Manchester United.

Imaanshiyaha Henrikh Mkhitaryan, ayaa meesha ka saareysa in ay kooxda sii joogaaan Juan Mata iyo xiddiga Belgium Marouane Fellaini.

Jose Mourinho ayaa doonaya inuu ka dhiso booska weerarka iyo khadka dhaxe kooxda Manchester United, si uu guul ula sameeyo xili