Mourinho oo Bankiga u Jabin Doona Kostas Manolas

Mourinho oo Bankiga u Jabin Doona Kostas Manolas

SHARE

Jose Mourinho ayaa waxaa ka go’an inuu xoojiyo awooda difaaciisa dhexe waxaana uu isha la helay daafaca kooxda Roma ee lagu qiimeeyo £ 47.6million Kostas Manolas.

Tababaraha kooxda Manchester United ayaa sheegay dhawaan inuu lasoo wareegi doono daafaca kale oo tayo leh kaasoo loo arkayo caalami ee dalka Greek.

SunSport ayaa sheegtay maanta in macalin Jose Mourinho markii hore uu ka gudbiyay dalab £ 32.5 daafaca lagu magcaabo Manolas.

United ayaa wadahadalo dhameystir ku dhaw waxay kula jirtaa Victor Lindelof – inkastoo Benfica aysan wali qaadan heshiiska Manchester United.

bishii May, Mourinho ayaa isku dayay inuu la warego Manolas iyo saaxiibkiisa Roma Alessandro Florenzi laakiin qorshahaasi ayaan suurta gal noqon.

Roma oo haatan ku jirta kaalinta labaad ee Serie A waxay afar dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Juventus, waxaana ay doonayaan sanadkaan in ay ugu yaraan kula dagaalaman Horyaalka kooxda looga maarada waayay ee Juve.