Mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari oo burburay

Muqdisho-RisaalaFM- Mooshinkii aroornimadii hore ee saakay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay ka gudbiyeen Guddoomiye (Jawaari) ayaa burburay, kadib markii tiradii loo baahna tiro ka yar ay soo gudbisay Mooshinka, sidaasina uu ku noqday mid fashilmay.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa gudbiyay Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somaliya Maxamed Sheekh Cisman (Jawaari).

Xildhibaanadan oo saaka Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay tiradooda inay ka badan tahay 100 Xildhibaan, waxayna sheegeen inay Mooshin sharci ah ka gudbiyeen Gudoomiye (Jawaari).

Guddiga joogtadda ah ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa isku raacay inuu sharci ahayn Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari, maadaama nidaamka loo soo maray uu ahaa mid aanan wanaagsaneyn.

Xubnaha Guddiga Joogtada ayaa weydiistay Guddoomiye C/wali Ibraahim Muudey inuu soo bandhigo tirada rasmiga ah ee saxiixay mooshinka, si Mooshinka u dhaqan galo, balse ma aanu soo bandhigin, isagoo ku adkeystay in tirada ay dhan tahay.

Sida sharciga ah Mooshin waxaa soo qori kara oo keeni kara Xildhibaano gaaraya 93 Xildhibaan sidaas darteed ayay guddigu sheegeen in la waayay tirada saxda ah ee loo baahnaa in Mooshin lagu keeno.