ose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday inuusan waligiis iibin laheyn Angel Di Maria iyo Javier Hernandez hadii uu kusoo gaari lahaa waqtigooda garoonka Old Trafford.
Di Maria ayaa soo gaaray Manchester United 2014 iyadoo laga filayo inuu si fiican uga soo dhalaalo horyaalka Ingiriiska, balse taliskii Louis Van Gaal ayuu ku hoos fasilmay taasoo keentay inuu sanad kadib u guuro Paris Saint Germain halkaaas oo uu ku hantay horyaalka faransiiska sanadkiisii ugu horeeyay.
“Markii ugu horeysay ee aan imaanayay waxaan helay koox murugeysan, Manchester United waxey iibisay ciyaartoy aan waligey iibin laheyn, waxeyna soo iibsadeen ciyaartoy aan waligey soo iibsan laheyn” ayuu u sheegay BBC.