Milatariga Nigeria oo duqeeyay dad rayid ah

Ciidamada cirka dalka Nigeria ayaa lagu soo waramayaa in ay si khalad ah cirka uga garaaceen xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taala waqooyiga bari dalkaasi.

Hay’ada MSF ayaa ku waramaysa in weerarkaasi lagu dilay 52 qof oo rayid ah, dad ka badan boqolna lagu dhaawacay.

Milatariga ayaa bixiyay amarka duqeyntaasi aroornimadii hore shalay oo talaado ahayd, kaddib markii uu soo gaaray macluumaad ku saabsan in mintidiin ka tirsan kooxda Boko Xaraam ay isugu soo uruureen magaalada Raan oo u dhow xudduudda dalka Cameroon.

Balse wax yar kaddib waxaa caddaatay in ay duqeeyeen xero ay ku jireen dad soo barakacay.

Taliyaha guud ee ciidamada milatariga Lucky Irabor ayaa sheegay in wali uusan qiyaasi karin tirada dadka halkaasi lagu laayay balse waxa uu sheegay in dad badan oo rayid ah iyo shaqaale kuwa samafalka ah oo ka tirsan hay’addaha MSF iyo hay’adda caalamiga ah ee laanqeyrta cas lala beegsaday duqeyntaasi.

Afhayeen u hadashay hay’adda laanqeyrta cas oo lagu magacaabo Aleksandar Matijevic ayaa xaqiijisay in lix ka tirsan shaqaalahooda halkaasi lagu dilay.

Dhanka kale, Hugues Robert, oo ka tirsan hay’adda MSF ayaa BBC-da u sheegay in hay’addiisa ay shaqaale ka joogeen xerada barakacayaasha ee Rann markii duqeyntaasi ay dhaceysay.

Madaxweyne Muxamadu Buhari ayaa walaac ka muujiyay waxa uu ku tilmaamay khalad ka dhashay hawlgal laga shalaayay.

Waa markii ugu horreysay oo shil noocan ah uu ka dhaca woqooyi bari dalkaasi Nigeria, waxa uuna shilkan ku soo beegmayaa xilli milatariga dalkaasi uu ku hawlan yahay waxa ay ku tilmaameen hawlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhanka ah kooxda Booko Xaraam.