Midowga Yurub ayaa joojiyay lacagtii ay dowladda Burundi ay sida tooska ah u siinayeen, iyagoo ka walaacsan xaalada xuquuqda bini’aadanka ee waddanka.
Ugu yaraan afar boqol oo qof ayaa la dilay, tan iyo intii uu madaxweynaha Pierre Nkurunziza uu go’aan ku gaaray inuu mar kale tartamo.
Midowga Yurub ayaa sheegay inay u baahan yihiin Burundi inay qaado talaabooyin wax tar leh ee lagu joojinayo dilka.
Midowga Yurub ayaa sheegay inay sii wadi doonaan gargaarka ay siiyaan dadka reer Burundi, laakiin aysan lacagta u sii marsiin doonin dowladda.