Home Ciyaaraha Messi oo ka hor istaagay Jordi Alba inuusan Man United ku biirin

Messi oo ka hor istaagay Jordi Alba inuusan Man United ku biirin

SHARE

Jordi Alba xagaagii dhawaa wuxuu ku dhawaaday ku biiritaanka kooxda Man United asigoo rabay garoonka Camp Nou inuu isaga tago.

Macalin Jose Mourinho oo baadi goob ugu jiray cayaaryahan garabka bidix daafaca ku haboon xagaagii dhawaa wuxuu ku dhawaaday helitaanka Jord Alba.

Shabakada Dan Ballon ayaa sheegtay in Alba uu badalay maskaxdiisa markii saaxiibkiis Lionel Messi ka dalbaday inuu Barcelona lasii joogo.

Dan Ballon ayaa sheegtay in Messi iyo Alba saaxiibo dhow yihiin sidoo kalena Alba go’aankiisa ka laabtay markii saaxiibkiis Messi ka codsaday inuusan Camp Nou isaga tagin.

Sidoo kale tababare Ernesto Valverde ayaa Jordi Alba la hadlay xagaagii dhawaa marka uu hogaanka Barcelona la wareegay wuxuuna u sheegay inuu si joogto ah u cayaarsiin doono.

Jordi Alba xili cayaareedkan si qurux badan ayuu Barca kula bilaawday wuxuuna caawiyay sedex gool sidoo kalena kooxdiisa 7-kulan ay cayaartay wey guulsatay ayadoo hogaanka La Liga ku heyso 5-dhibcood ay Sevilla ka sareeyaan.