Home XULKA WARARKA Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Gaas & Guddigii loo xilsaaray dhacdadii Boosaaso...

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Gaas & Guddigii loo xilsaaray dhacdadii Boosaaso ?

SHARE

Boosaaso-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa la kulmay guddigii loo xilsaaray arrintii uu ku dhaawacmay Wasiirka Amniga ee maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab.

Madaxweyne Gaas ayaa ka dhageystay guddigan arrimihii ay la kulmeen iyo wararka ku xeeran arrimahan.

Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas ay guddigu u soo gudbiyeen in ciidamadii rasaasta furey oo dhan xabsiga loo taxaabo, sidaas oo kalena Maxkamadda Sarre loo gudbiyo kiiskan oo lagu ciqaabo Taliyaasha iyo Ilaaladii rasaastan bilowday.

Madaxweyne Gaas ayaa la sheegay in uu la wareegay howshan siddii wax looga qaban lahaa, iyadoo uu sheegay in dhacdadan si deg deg ah ay uga jawaabi doonaan.

Ciidamo ka tirsan Ilaalada Taliyaasha Booliska iyo Birmadka ee ciidamada Puntland ayaa iska hor imaad kooban ku dhexmaray gudaha magaalada Boosaaso, taas oo keentay dhaawaca Wasiirkii Amniga ee maamulka Puntland iyo dhimashada Taliye ku xigeenkii ciidamada Birmadka Puntland.